Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay.

Talaado 4 Augost 2026 {HMC} Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Cumar, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay xubno ka tirsan Baarlamaanka Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).

Wafdiga ayaa ka koobnaa xildhibaanno ka socday Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, waxaana ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), Maxamed Faatir.

Xildhibaannada booqashada ku yimid ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxayna ammaaneen horumarka muuqda ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka, oo ay ku wehliyeen agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa sharaxay mudnaanta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ka leedahay ganacsiga gobolka ee EAC, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada inay taageeraan dadaalladan marka laga doodayo Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).

XIGASHO:SONNA

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...