Talaado 4 August 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhererka xeebaha Soomaaliya uu ka badan yahay tirada muddada dheer lagu xusi jiray xogaha iyo manhajyada waxbarashada dalka, isagoo sheegay in xeebta Soomaaliya ay ka dheer tahay 3,800 kiiloomitir.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddo dheer la aaminsanaa in dhererka xeebta Soomaaliya uu yahay 3,333 kiiloomitir, balse xog cusub ay muujinayso in dhererka dhabta ahi ka badan yahay tiradaas.
“Haddii la dhihi jiray xeebaha Soomaaliya waa 3,333 km, sida markii ugu dambeysay loo baahiyay oo loo islaamiyay, baddeennu waa 3,800 iyo jajab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa dood cusub ka abuuraya tirada rasmiga ah ee dhererka xeebaha Soomaaliya, iyadoo muddo dheer buugaagta iyo manhajyada waxbarashada dalka lagu xusi jiray in xeebta Soomaaliya ay dhererkeedu yahay 3,333 kiiloomitir.
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa soconaya muddo laba maalmood ah, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, sugidda amniga badaha iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee la xiriira badda Soomaaliya.
Shirkan ayaa sidoo kale isu keenaya masuuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bah-wadaagta caalamiga ah, iyadoo laga wada hadlayo fursadaha maalgashi iyo sidii si waarta looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda Soomaaliya.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in shirweynaha laga filayo in ay kasoo baxaan dukumiintiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u adeegsan karaan qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

