Talaadoy, 4, August 2026 {HMC} Iiraan iyo Cumaan ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz, iyadoo heshiiskan berri lagu dhawaaqi karo , sida ay werisay Al Jazeera.
Warbaahinta Israa’iil ka soo baxda ee Channel 14 ayaa dhankiisa baahiyay inuu helay qodobbada heshiiska ay wada gaareen Iiraan iyo Cumaan ee dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz.
Arrimaha la sheegay inay heshiiska ka gaareen Iiraan iyo Cumaan, waxaa ka mid ah in la sameeyo marin maraakiibta u gaar ah oo ay si wadajir ah u maamuli doonaan Iran iyo Cumaan.
Waxaa maraakiibta marinka adeegsanaya laga qaadaya lacag ay si wadajir ah u uruurinayaan Iiraan iyo Cumaan.
Waxa ugu yaabka badanse waa in warbixinta Channel 14 lavu sheegay inay Cumaan inay ka tanaasuli doonto saamigeeda lacagahaas, isla markaana ay si toos ah ugu wareejin doonto Mareykanka.
Warbixin kale oo ay Al Jazeera baahisay ayaa lagu sheegay haddii Iiraan iyo Cumaan ay gaaraan heshiis, waxaa suuragal ah inuu albaabka u furo wadahadallo diblomaasiyadeed oo ballaaran oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, inkastoo ay weli jiraan arrimo badan oo lagu kala aragti duwan yahay.
Arrimahaas waxaa ka mid ah:
Furitaanka iyo maamulka marin-biyoodka Hormuz.
Nadiifinta miinooyinka badda.
Cunaqabateynta iyo go’doominta badda ee Mareykanka.
Qaadista cunaqabateynta saaran Iiraan.
Soo celinta hantida Iran ee dibadda laga xayiray.
Barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo dammaanad-qaadyo amni oo Iiraan ay doonayso si loo hubiyo inaan mar kale dib loogu noqon wareeg cusub oo dagaal, xabbad-joojin iyo iska hor imaad kale.
Iiraan ayaa ku adkeysaneysa in dhammaan arrimahan lagu xalliyo wadahadal iyo diblomaasiyad, halkii dib loogu noqon lahaa isku dhac iyo dagaal cusub.

