Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca dalka Uganda oo soo gaaray Muqdisho.

 Talaado/4/Augsto 2026 {HMC}Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Sareeye Guud Sam Okiding, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Sareeye Guud Sam Okiding ayaa ka qeyb geli doona Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka. MogadishuLocal News

Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqangelinayo go’aamadii Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee Kampala ka dhacay, laguna dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada.

Qorshaha ay khubaradu diyaariyeen ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay dib u eegis ugu sameeyaan una ansixiyaan, wuxuuna saldhig u noqon doonaa wejiga xiga ee hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...