Xildhibaanno ka Horyimid Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Isniin 3 August 2026 {HMC} Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid guddiga qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ay magacaawday Guddoomiyaha KMG ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayay ku sheegeen in magacaabista guddigaasi aysan waafaqsanayn sharciga, iyagoo ku dooday in muddo-xileedkii Baarlamaankii 11-aad uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka xukuumadduna uu ku ekaaday 15-kii May 2026.

Xildhibaannadu waxay Sacdiyo Yaasiin ku eedeeyeen inay u dhaqmeyso sidii Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), iyagoo sheegay in guddiga ay magacawday uu ka tirsan yahay xisbigaas, isla markaana uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Baarlamaan iyo xukuumad ay ku tilmaameen kuwo muddo-xileedkoodu dhammaaday aysan sharci u lahayn magacaabista guddiyo doorasho, iyagoo ku baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo horseedi karta muran siyaasadeed iyo qalalaase cusub.

Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda inay ka feejignaadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen kuwo dhaawacaya nidaamka dastuuriga ah iyo hay’adaha dowladda, iyagoo dalbaday in geeddi-socodka doorashada lagu saleeyo sharci iyo wadatashi.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...