Dagaal iyo Duqeeyman Culus oo ka Socda Duleedka Deegaanka Teedan.

Axad 2 August  2026 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya deegaanka Teedan, oo ku yaalla duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dagaalku uu u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada deegaanka iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Faahfaahinta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka weli lama xaqiijin. Sidoo kale, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobta uu dagaalku ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in la maqlay rasaas culus iyo qaraxyo intii uu dagaalku socday, iyadoo xaaladda deegaanka lagu tilmaamay mid weli kacsan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Liibaan Cumar Xasan, ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka deegaanka Teedan ee gobolka Hiiraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka gobolka uu la socdo xaaladda deegaanka, isla markaana faahfaahinta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay la soo bandhigi doono marka xogta si rasmi ah loo xaqiijiyo.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Teedan oo ka tirsan duleedka degmada Maxaas, iyadoo wararka hordhaca ahi ay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay iska horimaad culus. Ilaa hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya faahfaahinta khasaaraha ama cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobta.
Waxaan idiin soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kasoo kordha marka ay soo baxaan xog rasmi ah oo la xaqiijiyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...