Madaxweyne DFS oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sabdi 1 Agoosto  2026 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulanka wadajirka ah ee labada Aqal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la wadaagaya xaaladda Dalka sida shirarkii looga hadlay amniga Dalka, Howlgalka AUSSOM, Doorashooyinkii dhacay, la dagaalanka ‘AS’ & kuwa soo socda iyo arrimo kale.

Sida uu dhigayo Dastuurka Dalka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana kalfadhigaan loo badinayaa in uu noqdo kan ugu dambeeya ee Baarlamaanka 11aad.

Waxyaabaha horyaalla Baarlamaanka Federaalka waxaa kamid ah Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka maadaama uu xilkaas ka tagay Aadan Madoobe, Doorashooyinka iyo arrimo kale oo hoostagaya Siyaasadda sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...