Uganda oo martigelinaysa shirka Madaxda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya.

Arbaco 28 Jully 2026 {HMC} Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda waxaa ka socda diyaargarowga shirka u dhaxeeya Madaxda Dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada AUSSOM iyo Dowladda Federaalka si ay uga hadlaan Mustaqbalka howlgalkaan iyo culayska soo kordhay.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uuna kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa saacado kahor gaaray Magaalada Kampala, waxaana maanta ilaa berri gelinka hore lagu wadaa in wufuud kale ay tagaan Uganda.

Shirka guud ee u furmaya Madaxda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya waxaa dhinac socda kulamo gaargaar ah oo mas’uuliyiintu yeelanayaan si ay uga fakiraan baaqa wadajirka ah ay ku wajihi doonnaan culayska dhaqaale ee AUSSOM soo wajahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay madasha la tagi doonno baaq ku saabsan in la taageero ciidamada ammaanka iyo la dardargeliyo howlgallo ballaaran oo ciidamadu ku qabsanayaan goobaha ay joogaan ‘AS’

La soco wixii kasoo kordha

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...