Khamiis 23 July 2026 {HMC}Â Ururka Midowga Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah cambaareeyay weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen sheegeen inay ku qaadeen maraakiibta shidaalka ee ganacsiga ee maraya Badda Cas, isagoo ka digay in xaaladdu ay khatar ku tahay amniga gobolka, isu socodka maraakiibta iyo silsiladaha sahayda caalamiga ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay in weerarradu, oo xigay ku dhawaaqistii Xuutiyiinta ee xanibaadda badeed ee ay ku bartilmaameedsadeen Boqortooyada Sacuudiga, ay yihiin xaalad sii hurin karta xiisadda, isla markaana khatar gelin karta mid ka mid ah marin-biyoodka ugu istaraatiijisan dunida.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in amniga marinnada badda ee Badda Cas uu muhiimad istaraatiiji ah u leeyahay Afrika, isagoo xusay in hakad ku yimaadda maraakiibta ganacsigu uu saameyn ku yeelan karo isku xirka ganacsiga badda, amniga tamarta iyo dhaqaalaha dalal badan oo Afrikaan ah oo ku tiirsan marinnadaas.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale muujiyay garab istaaggiisa Boqortooyada Sacuudiga, isagoo dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo amniga, madaxbannaanida iyo xasilloonida boqortooyada.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay Xuutiyiinta inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isla markaana ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee maamula xorriyadda isu socodka maraakiibta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu dejinayo xiisadda, lagu ilaalinayo amniga badda, laguna raadinayo xal nabadeed oo wada hadal ku dhisan oo ku saabsan xaaladda Badda Cas iyo Bariga Dhexe.

