Aadan Madoobe oo kulankii ugu horeeyay la qaatay wasiirada cusub ee KGS

Qamiis 23 July 2026 {HMC}Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada mudnaanta u leh bulshada iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hay’adaha dowladdu si hufan oo wadajir ah ugu adeegaan shacabka.

Hoggaamiyaha ayaa Golaha Wasiirrada ku adkeeyey inay mudnaanta koowaad siiyaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, Qabsoomida Dib uheshiisin dhab ah, hufnaanta maamulka, iyo dardargelinta hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Intii uu shirku socday ayaa wasiirradu soo bandhigeen qorshayaasha bilowga ah ee wasaaradahooda, iyagoo ballanqaaday inay si dhow isaga kaashan doonaan fulinta siyaasadaha iyo himilooyinka Dowladda si loo gaaro adeeg hufan oo waxtar u leh shacabka Koonfur Galbeed.
shirka waxaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka howlaha wasaaradaha, kor u qaadista tayada adeegyada dowladda, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee saameynta togan ku leh nolosha bulshada, sido kale shirka waxaa warbixin looga dhagaystay hanti dhowrka guud Dowladda Koonfur Galbeed oo si faah faahsan uga Warbixiyey hantida Dowladda.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada ugu baaqay inay si mideysan, daacadnimo iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka, si loo xaqiijiyo horumar waara, amni, iyo dowladnimo tayo leh oo ka hanaqaadda guud ahaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...