Arbaco 22 July 2026 {HMC} Shil gaari oo sababay dhimashada 7 qof ayaa caawa ka dhacay magaalada Jigjiga
Shil gaari ayaa ka dhacay xaafada 10-naad ee degmo-hoosaadka Karamardha, ee Magaaladda Jigjiga, waxaana ku dhintay 7 qof, 5 rag ah iyo 2 dumar ah, halka ilmo yar uu ku dhaawacmay.
Madaxa Baadhista Shilalka ee Komishinka Booliska DDS Gaashaanle Dhexe Caydaruus Maxamed Axmed, ayaa sheegay in ay socdaan baadhitaanno lagu ogaanayo sababta shilka keentay iyo khasaaraha uu gaystayba.
Gaari shilka gaystey ayuu noociisu ahaa gawaadhida rarka ee loo yaqaano (Sinotrack). Gurmadka degdega ah ee ambalaasta iyo hay’adaha amaanka ayaa markiiba goobta gaadhay, waxaana dadkii dhaawaca ahaa lala gaadhay adeeg caafimaad oo degdeg ah.

