Khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo sii xoogeysanaayo.

Talaado 21 July 2026 {HMC} Khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muranka ugu weyn uu ka taagan yahay garoonka diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla dulleedka Telaabiib.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Israa’iil, Sharon Kedmi ayaa sheegay in laga yaabo in la bilaabo joojinta qaar ka mid ah duulimaadyada rayidka.  Wuxuu yiri: “Garoonkan iyo garoomo kale waxaa yaalla diyaarado Mareykan ah oo ah kuwa diyaaradaha dagaalka hawada ku siiya shidaalka.

Haddii hal diyaarad oo kale lagu soo kordhiyo, waxaa khasab nagu noqon doonta inaan baajino illaa 50,000 oo duulimaadyo rayid ah. Dadweynuhu waa inay arrintaas u diyaar garoobaan. Mareykanku waa inuusan hilmaamin in garoonkani uu ugu horreyn yahay garoon rayid.”

Dhanka kale, Wasiirka Gaadiidka Israa’iil, Miri Regev ayaa iyaduna ka hortimid in diyaarado kale oo shidaal qaada lagu soo kordhiyo Garoonka Ben Gurion, waxayna dalbatay in qaar ka mid ah diyaaradaha Mareykanka ee hadda yaalla halkaas laga saaro.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo Muqdisho Lagu soo dhaweeyay.

Axad 16 Aug 2025 {HMC}  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey...