Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay in ay “badda ka go’doominayaan” Sacuudiga.

Isniin 20 July 2026 {HMC}  Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay ku soo rogeen go’doomin dhinaca badda ah Sacuudiga. Qoraal ay soo saareen kooxda ayaa lagu sheegay in go’doomintaasi ay ku salaysan tahay mabda’a “In aan ku sameyno wixii ay nagu sameeyeen” isla markaana si degdeg ah loo dhaqan gelin doono.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii korortay tan iyo markii Sacuudigu ay isku dayeen in ay ka hor istaagto diyaarad laga leeyahay Iran in ay ka degto Garoonka Caalamiga ah ee Sanca.

Dhanka kale, Iran iyo Maraykanka ayaa muujiyay calaamado ah in ay diyaar u yihiin xal diblomaasiyadeed, iyagoo weli sii wada weerarrada ay is-weydaarsanayaan.

Iran ayaa sheegtay in ay heshay soo jeedinno ka yimid dhexdhexaadiyeyaal, waxaana la filayaa in wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga uu maanta booqdo Pakistan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...