Soomaaliya oo ka tacsiyeysay Carruur ku geeriyooday Dab ka kacay Aljeeriya

Isniin 20 July 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay masiibadii dabka ee dhowaan ka dhacday dalka Aljeeriya, kaasi oo ay ku geeriyoodeen carruur agoon ah iyo dad kale oo rayid ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya, ka dib markii dab xooggan uu ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taal degmada Mohammedia ee caasimadda Algiers” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay xilligan adag garab istaag iyo midnimo u muujinaysaa walaalaheenna Aljeeriya. Waxaan murugada la qaybsanaynaa qoysaskii ay carruurtu ka geeriyoodeen, annagoo Alle uga baryeyna inta dhaawaca ah inuu u boogo dhayo.”

Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga ee dalka Aljeeriya, dabka ayaa galaafatay nolosha 11 qof oo ay ku jiraan carruurta Agoonta, iyadoo ay sababtay Koronto.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...