Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka Arrimaha Carabta iyo Afrika.

Axad 19 July 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku la yeeshay magaalada Qaahira ee Dalka Masar Mudane Massad Boulos, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, dib u xaqiijinta taageerada loo hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, horumarinta iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, amniga Badda Cas, iyo doorka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee taageeridda mudnaanta amniga Soomaaliya.

Waxay labada dhinac intii uu socday kulanka mar kale carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sii wadidda iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo horumarka waara ee Soomaaliya

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...