Cabsi laga qabo inuu fashilmo shirka u dhaxeeyo DF iyo Mucaaradka.

Axad 19 Luulyo 2026 {HMC} Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in guddiyadii wada-hadallada u matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ay saacadihii la soo dhaafay yeesheen kulamo gooni-gooni ah, kuwaas oo la xiriiray la-tashiyo ay la kala sameynayeen dhinacyada ay matalaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadallada dib loo furi doono maalinta Isniinta oo ku beegan 20-ka bishan, iyadoo la filayo in labada dhinac ay sii ambaqaadaan doodihii hore.

Sidoo kale, xubno ka tirsan guddiga mucaaradka ee wada-hadallada ku matalaya, kuwaas oo safar dibadda ah ku maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan kulanka la qorsheeyay.

Dhanka kale, warar hoose oo laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa tilmaamaya in kulanka Isniinta uu wajahayo caqabado waaweyn, islamarkaana ay jirto suurtagalnimo ah inuu ku dhammaado isfaham la’aan, taas oo keeni karta in wada-hadalladu fashilmaan haddii aan la isku soo dhowaan mowqifyada labada dhinac.

Dhinacyada ayaa dood adag ku dhexmari doonto magaalada Muqdisho.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...