Hoggaamiyaha Iiraan oo war cusub ka soo saarey dagaalka Mareykanka

Axad 19 Luulyo 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa ku eedeyay Mareykanka inuu jabiyay dhammaan heshiisyadii xabbad-joojinta, isla markaasna ay is difaaci doonaan.

Bayaan qoraal ah oo laga akhriyay telefishinka dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in ay kaashan doonaan Saaxiibadooda caalamiga ah si ay uga hortagaan gardarada Mareykanka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in siyaasad awood sheegasho aysan hadda ka sii shaqeyn karin caalamka, isla markaasna ay ka hortagayaan.

Hanjabaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanku toddobaadkan uu sare u qaaday weerarrada uu ku hayo Iran.

Dowladda Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu bartilmaameedsaday dadka rayid ah iyo weliba xarruumaha buundooyin, khadadka tareennada iyo ceelasha biyaha.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...