Isimada Gobolka Bari oo dalbaday in baaris Madaxbannaan lagu sameeyo shaqada Shirkadda DP World

Jimco, July 17, 2026 {HMC} Isimada Gobolka Bari ayaa dhaliilay lacagta culayska ku noqotay Ganacsatada Gobolkaas ee sababtay in ay xirmaan goobo Ganacsi iyaga oo dhaliilay Maamulka Siciid Cabdullaahi Deni iyo Shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World ee maamusho Dekedda Boosaaso.

Waxa ay Isimadu xuseen in heshiiskii ay horay u wadagaleen Xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni iyo Shirkadda DP World uu dhigayay fursado maalgashi iyo shaqo abuur ay heli karaan reer Balse arrintu ay isu baddeshay si ka duwan.

Dhaqanka ayaa dhaliilay lacagaha lagu kordhiyay badeecadaha oo 50% ah taasina ay dhalisay sicir barar sababay in albaabada la isugu dhufto goobaha Ganacsiga ee Xarunta Ganacsiga Dowlad-Goboleedka Puntland ee Boosaaso.

Waxa ay ku tilmaameen cuuryaamin maadaama cuntooyinka muhiimka ah sida burburka, bariiska, baastada, sokorta iyo qalabka kale ee beeraha loo isticmaallo la saaray lacago ay adag tahay in la bixiyo ama qiimaha lasii iibinayo ka dhigaysa arrin culayskeeda leh.

Isimada ayaa gunaanadkii warka kasoo baxay waxa ay kusoo jeediyeen saddex qodob oo xal u ah Dadka isla markaana meesha ka saaraya culayska soo kordhay waxaana kamid ah:

1-In dib loo furo shaqada Dekedda Boosaaso iyada oo meesha laga saarayo guud ahaan lacagaha canshuurta cusub ah ee sababtay in ay istaagto shaqadii dekeddaas iyo ganacsiga.

2-In dib loo furo goobaha Ganacsiga, sidoo kale shaqada dekedda dib loo billaabo si looga hortago dhibaato dhinaca nolosha ah.

3-In dib u eegis madaxbannaan lagu sameeyo Shirkadda DP World, isla markaana ay Isimada guud isugu yimaadaan shirweyne looga hadlayo xaaladda Puntland.

Xukuumadda Siciid Deni ayaa culays xooggan kala kulantay Canshuur kordhinta sababtay in uu joogsado dhaqdhaaqii ganacsiga Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyo Dekedda Magaaladaas oo badeecadaha laga dejiyo la geeyo deegaanno kala duwan.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...