Jimco, July 17, 2026 {HMC} Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta shaacisay Garsooraha dhexdhexaadin doonna Xulalka Spain iyo Argentina ee ku loomaya Koobka Adduunka 2026, waxaana kulankaas loo dhiibay Garsoore Slavko Vinčić.
Waxa uu kamid yahay garsooreyaasha deggen, go’aanka adag qaata isla markaana dhexdhexaadiyay kulamo badan oo Horyaalka Qaaradda Yurub ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE, halka Koobkaan Adduunka uu horay u qabtay 3 kulan oo keliya.
Slavko Vinčić, waxa ay Hay’adda FIFA diiwaankeeda uu galay sannadkii 2010 kaddib markii uu kasoo baxay shuruudihii Hay’addaas hordhigtay waxaana uu sidaas ku helay fursado kala duwan oo kubadda Cagta ah mid qaarad iyo mid caalami ah.
Weligiis ma qaban ciyaar final ah oo Xul balse dhinaca Kooxaha waxa uu qabtay Labada Horyaal ee Yurub ee Champions League iyo Uefa Europe League sida ku xusan sooyaalkiisa.
Sannadkii 2024 waxa uu qabtay finalkii UEFA Champions League Final ee dhexmaray Kooxaha Kubadda Cagta ee Real Madrid vs Borussia Dortmund oo Naadiga cadcadka ku badiyeen 2-0 kuna guulaysteen koobkaas.
Kulankii labaad uu qabtay ee final ah waa kii dhexmaray Eintracht Frankfurt vs Rangers sannadkii 2022, mana qaban kulan kale oo Fiinaal ah oo Yurub heer naadi iyo mid xul sida kaydinta xogtiisa ku jirta.

