Pakistan oo Iiraan u sheegtay haddii Xuutiyiinta Yemen ay weeraraan Sacuudiga in ay Pakistan ka jawaabi doonto weerarkaas.

Jimco, July 17, 2026 {HMC} Sarkaal Pakistani ah ayaa Reuters u sheegay in Pakistan ay Iiraan u sheegtay haddii Xuutiyiinta Yemen ay weeraraan Sacuudiga, inay Pakistan u arki doonto weerarkaas mid lagu qaaday dhulkeeda.

Sarkaalku wuxuu sheegay in haddii arrintaasi dhacdo, ay adkaan karto in colaadda la xakameeyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in danta dhammaan dhinacyadu ay ku jirto dantooda in xiisadda la soo afjaro.
Hase yeeshee, haddii xiisaddu sii kororto, wuxuu sheegay inay Pakistan si cad u garab istaagi doontaa Boqortooyada Sacuudiga.
Fiiro gaar ah:

Bal qiyaasa, Israa’iil oo colaadda Bariga Dhexe hurisay inay meel fog ka istaagto iyadoo daawaneysa dalalka Muslimka oo dhexdooda iska dagaallamaya.

Haddaba, aragtidiinna yaa mas’uul ka noqon doona haddii arrintu gaarto in isbahaysi dalal Muslim ah uu la dagaallamo Iiraan?

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...