Madaxweyne Cagjar oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub.

Talaado 14 July 2026 {HMC Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub (EU) oo ka kala yimid xafiisyadooda Brussels (Belgium) iyo Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu wafdiga uga warbixiyey xaaladda guud ee Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarka, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, dadaallada lagu dhimayo saamaynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta awoodda hay’adaha fulinta ee DDS.

Dhankooda, wafdiga Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey isbeddellada muuqda ee ka hirgalay Deegaanka Soomaalida, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay sii xoojin doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin DDS iyo guud ahaan Dowladda Federaalka Itoobiya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...