Madaxweynaha Soomaaliya oo gaarey dalka Qadar

Talaado 14 July 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Safarka Madaxweynaha ayaa ujeeddadiisu yahay inuu dowladda iyo shacabka dalka Qadar la qaybsado tacsida geerida ku timid Aabaha Amiirka dalkaas, Shiikh Al Xamad Bin Khalif Al-thani.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka ee dalka Qadar, Danjiraha Soomaaliya ee Qadar iyo Mas’uuliyiin kale.

Sida ilo xogaal ah ay sheegeen, Madaxweynaha ayaa Dooxa kulan gaar ah kula yeelan doona Amiirka dalkaasi Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad, isagoo la wadaagi doono tacsida Aabihii Xamad Bin Khaliifa.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Caalamka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah iyo calanka Jamhuuriyadda oo hoos loo dhigay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorshaha yahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Caalamka ee ku qulqulaya Magaalada Dooxa, si ay uga qeyb galaan Tacsida Amiirkii hore ee dalkaasi.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...