Isniin 13 July 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Boliiska Jamhuuriyadda Jabuuti, G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin, iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Soomaaliya.
Labada taliye ayaa yeeshay kulan rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan, is-weydaarsiga khibradaha, la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada ka gudba xuduudaha, iyo kor u qaadidda amniga gobolka.

