Ciidanka Israa’iil oo duqayn culus ka fulisay qeyb kamida dhulka Falastiin.

Isniin 13 July 2026 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa duqayn culus ka fuliyay Koofurta Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin aroornimadii hore ee maanta, waxa uu weerarkaan si gaar ah uga dhacay Xaafadda Al-Sabra sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Muuqaal uu baahiyay Teleefishinka Aljazeera waxaa ka muuqday dhismo ku yaalla xaafaddaas oo gantaal xooggan uu dhexda ka galayo dhismo halkaas ku yaalla kaddibna olol iyo uuro badan ay iswada qabsadeen ilbiriqsiyo kaddib.

Dhanka kale, War kasoo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidanka Israa’iil ay xasuuq ka gaysteen Magaalada Gaza iyo Daanta galbeed ee dhulka Falastiin iyada oo gacanta lagu hayo caddeymo dhammaystiran.

Hay’adda ayaa ku doodday weerarrada ay Israa’iil ay fulinayso inay dheer tahay xayiraadda gargaarka bani aadamnimo ee loo wado dadka dhibaatada wajahaya oo marar badan arrintooda loo gudbiyay Qaramada Midoobay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...