Kenya oo sheegtay in ay dishay xubnood oo katirsan AS

Isniin 13 July 2026 {HMC} Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 11 xubnood oo katirsan ‘AS’ kaddib markii howlgal ay ka sameeyeen xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya, ciidanka oo helay xogta xubnahaan ayaa si degdeg ah u fuliyay howlgalkaan sida hadalka loo dhigay.

Kenya ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay la socdeen dhowr iyo laaban dagaalame oo qorsheynayay in ay beegsadaan saldhig ciidamadu ay leeyihiin oo dhinaca Xadka uu dhaco balse kahortaggooda ay sababtay dhimashada 11 kaas ruux.

Howlgalkaan waxaa fuliyay cutubka gaarka ah ee loosoo gaabiyo SOG (Special Operations Group), bayaanka ayaa intaas lagu daray in goobta la beegsaday xogteeda ay muddo hayeen ciidamada kahor inta aysan u dhaqaaqin.

Ciidanka ayaa inta uu howlgalka socday waxa ay sheegeen in ay gacan ku dhigeen saddex qori oo ah kuwa siliska leh PKM iyo ku dhawaad 409 xabbadood oo rasaas ah oo ay ka furteen xubnihii ay weerareen ee ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in ay xoogga saartay fulinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kaddib markii ay kordheen weerarrada iyo afduubka dadka ku sugan deegaannada xiga dhinaca Xadka Soomaaliya sida dhowr jeer horay loo diiwaangeliyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...