Sabti 11 July 2026 {HMC} Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal amni daro oo ay fulin rabeen labo dhalinyaro ah kuwaas oo ay sheegeen laamaha amaanka in ay ka tirsan kooxda Al shabaab.
Kooxdan ayaa qorsheynayeen in ay ka geystaan Falal amni daro xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Baladweyne Ciidamada ayaa toogtay hal dhagarqabe, iyagoo nolosha ku qabtay dhagarqabihii kale.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shacabka magaalada Beledweyne ay ka qeyb qaateen ka hortagga falkii ay geysa rabeen dhagarqabayaashaas.
Gudaha Magaalada Beledweyne ayaa caawa lagu soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay iyo midka nolosha lagu qabtay, iyadoo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee magaaladaas ay muujiyeen isku doobni ay kaga hortegayaan falalka guracan ee kooxdan ay wadeen.

