Talaadada 7 Luulyo 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga ka fuliyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat, iyo Saaxweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd adkeynta amniga, kahortaga dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada, iyo xoojinta kalsoonida shacabka ku nool deegaannadaasi.
Intii uu hawlgalku socday, ciidamadu waxay baaritaanno amni ka sameeyeen goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannada.
Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa sii wada hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyadoo shacabka lagu boorinayo inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana warbixiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida.

