Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Badda Cas, Soomaaliya-oo kala hadashay amniga marin-biyoodka

Talaado 7 July 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay in ay dowladda Soomaaliya kala hadashay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga marinnada biyaha caalamiga ah, xorriyadda isu socodka iyo badbaadada maraakiibta mara Badda Cas iyo gacanka ku xeeran.

Sucuudiga ayaa haatan si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha Dalalka ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Masar, Jabuuti, Eritrea, Jordan, Sudan iyo Yemen.

 

Golahaasi oo la aas-aasay sanadkii 2020 ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Sucuudiga iyo Masar, kuwaas oo la xiriiray xarunta ururka iyo cidda hoggaaminaysa, arrintaas oo hoos u dhigtay waxtarkiisa iyo saameyntiisa gobolka.

Wararka la xiriira dib u firfircoonida golahan ayaa muujinaya in Riyadh ay hadda waddo dadaal ay ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto ajandaha amniga Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo tartan xooggan oo saameyn iyo istaraatiijiyad badeed ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid meesha ka saaraysa saameyntii Imaaraadka Carabta ee marin-biyoodka muhiimka ah, iyadoo Abu Dhabi ay ka muujisay caro ku aaddan jihada cusub ee golaha.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...