Maxeey ka wada Hadleen Wasiir Fiqi iyo bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Axad 05, July 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa kulan guud la qaatay bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, horumarka degmada, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay ka-qaybqaadashada shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyey shacabka degmada Ceeldheer taageerada ay u hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa ku ammaanay shacabka degmada Ceeldheer garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo amni waara.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...