Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xafiiskiisa ku qaabilay Naadiya Maxamed oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park.

Muqdisho, 04, Luulyo, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, taasi oo dhowaan dalka soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiye Naadiya ku bogaadiyey guulaha iyo doorka muuqda ee ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isaga oo tilmaamay in guulaha noocaas ahi ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka caalamka.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Naadiya kula dardaarmay in ay xoogga saarto ka qayb qaadashada xoojinta xiriirka soo jireenka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykan iyo sare u qaadidda kaalinta ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga,

Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, waxayna adkaysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...