Maydka Hoggaamiyihii Iiraan, oo la marinayo dhowr magaalo kaddibne 9 ka Bishaan la aasayo.

Jimco 3, July 2026 {HMC} Maydka Hoggaamiyihii Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa lagu wadaa in 9ka Bishaan la aaso balse waxaa jira maalmo ka billaabanaya berri oo ah 4ta July oo la marsiinayo Magaalooyin kala duwan oo deegaan u ah Shiicada si ay tacsi ugu sameeyaan.

Magaalooyinka la marinayo waxaa kamid ah Tehran, Qom & meelo kale oo Dalka Ciraaq ah, waxaana aad loo adkeeyay amniga goobaha lagu wado in maydka hoggaamiyahaan la geeyo si aanay beegsi ka imaada Israa’iil iyo Maraykanka uga dhicin.

Magaalada loo qorsheeyay in lagu aaso marka tacsida soo dhammaato waa Iman Reza oo loo arko in ay tahay xarun barakaysan oo Dadka Shiicada ah ay isugu tagaan sidoo kalena ah magaaladii uu ku dhashay Ayatollah Ali Khamenei.

Maalmaha soo socda waxa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan galaysaa tacsi iyo duugta Hoggaamiyihii dalkaas muddada maamulayay ee goynayay talada ugu sarraysa waa Ali Houssen Khamenei oo ku dhintay duqaymo ay fuliyeen Israa’iil & Maraykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...