Khamiis 2. july 2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyaysay xuska maalinta Qaran ee kowda Luulyo oo ah markii gobollada Koonfureed ay xorriyada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga isla markaana uu dhacay Midowgii Koonfur iyo Waqoooyi.
Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka,”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed halgankooda ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa, iyo dadaalladooda ay ku dhisayaan mustaqbal barwaaqo badan,”.
Dowladda Mareykanka waxey intaas ku dartay,” Munaasabaddan sannad-guurada ah, waxaan rajeynayaa sannadka soo socda in si wadajir ah uga wada shaqeyno horumarinta nabadda”.
Hadalkaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga duwan wararkii looga bartay maamulka Trump ee ahaa inuu Soomaaliya ku tilmaamo meel aysan dowlad iyo adeegyada dowliga ah aaney ka jirin.

