Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,

Muqdisho, Juun 30, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada iyo horumarka mustaqbalka dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, taasi oo laf dhabar u noqon doonta qorshaha dowladda ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Netanyahu oo baahiyay Muqaal uu ku muujinaayo in uu ku guuleeysanaayo Doorashada Israa’iil.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Netanyahu oo baahiyay Muqaal uu ku muujinaayo in uu ku guuleeysanaayo Doorashada Israa'iil. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu ayaa soo dhigay...