Isniin 29,June 2026 {HMC} Mareykanka iyo Iiraan ayaa Talaadada berri wadahadal ku yeelanaya magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar, ka dib markii Iiraan ay joojisay inay ka qaybgasho wadahadalladii lagu ballansanaa inay Axaddii shalay ka dhacaan Switzerland,sabab la xiriirta weerarradii Mareykanka uu ka gaystay gudaha Iiraan, sida ay baahisay Al Jazeera.
Laakiin aan ku sheego wax ka yaabinaya; Labo maalin ka hor waxaa marin-biyood Hormuz ka dhacay weerar ay fulisay Iiraan oo lagu qarxiyay markab ku safrayay calanka Singapore, tallaabadan waxay ka caraysiisay Mareykanka wuxuuna weerarray Iiraan, isagoo sheegay inuu ka jawaabayo weerarka lagu qaaday markabka.
Iiraan, ayaa soo baxday oo sheegtay inaysan ka qaybgali doonin wadahadalladii farsamo ee horey loo qorsheeyay inay ka dhacaan Switzerland, waxaa kaloo ay sameysay inay joojisay isku socodka maraakiibta ee marinka Hormuz, taasoo dhibaatada ganacsiga iyo socodka shidaalka caqabad mar kale ku noqotay.
Markii go’aankan ay soo saartay Iiraan, waxaa soo baxay Trump, wuxuuna ku dhawaaqay Mareykanka inuu joojiyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan, isagoo markaa dalbaday in dib loo billaabo wadahadallada farsamo.
Ajandaha wadahadallada farsamo waxay ahaayeen in la ambaqaado sidii heshiis looga gaari lahaa barnaamijka nukliyeerka Iiraan, waa arrin muhiimad u leh Trump iyo wax aysan Iiraan dooneyn waqti hor in laga hadlo.
Balse, Iiraan oo ka faa’iidaysanaysa xaaladda iyo cadaadiska Trump uu ka wajahayo in dib loo xiro marin-biyoodka Hormuz, waxay beddeshay jadwalka halkii Switzerland la tagi lahaa waxay soo dhaweysatay ma saafada si kalsooni loo helana wadahadallada waxaa hadda la qorsheeyay inay berri ka dhacaan Qatar.
Halkan ayay ku jirtaa waxa ugu yaabka badan, ma aysan beddelin Iiraan keliya goobta wadahadallada , balse sidoo kale waxaa isbeddel arrimihii laga hadli lahaa , halkii ay ahayd in barnaamijka nukliyeerka Iiraan laga hadlo, hadda wadahallada Dooxa keliya waxay quseeyaan sidii loo xaqiijin lahaa badqabka maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz, sidaa waxaa sheegtay warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios.
Waxa kale ee cusub oo ku jira warbixintan waa in Mareykanka iyo Iiraan ay markii u horreysay ka wadahadlayaan hirgelinta khad toos ah oo isgaarsiineed oo militari (military hotline) oo dhex mara Mareykanka iyo Iiraan, si looga hortago isfaham la’aan iyo dhacdooyin militari oo mustaqbalka dhici kara.
Hal khalad ayay Iiraan u beddeshay in la fogeeyo ka hadalka barnaamijkeeda nukliyeerka , waxay raadinaysa waqti dheeraad ah oo arrimo kale looga hadlo. Xataa sarkaal Iiraani ah oo la hadlay Al Jazeera , wuxuu shaki geliyo si deg deg ama berri inay Iiraan wafdi u diri karto Dooxa, isagoo si cad u yiri ; “Ma jiro wax kulan ah oo u qorsheysan Iiraan inay Dooxa uga qaybgasho”
Trump oo hadlay ayaase shaaciyay in kulanka Dooxa uu berri dhacayo.
Ugu dambeyntii, Iiraan waxay u dhaqmaysa sida inuu waqtiga dhinaceeda la jiro oo uusan jirin wax ku socda, si ka duwan Trump oo wax walba deg deg u doonaya.

