Waxaa korortay tirada dadka ku geeriyooday weerarrada ay geystay Pakista.

Pakistan waxay sheegtay in habeenkii Axadda, iyada oo ku salaynaysa waxa ay ku tilmaantay “xog sirdoon oo la hubo”, ciidamada Pakistan ay dileen 25 dagaalyahan kadib markii ay beegsadeen saddex goobood oo lala xiriiriyay Jamaat-ul-Ahrar iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan ee gobollada Paktika, Paktia iyo Kunar.

Ha yeeshee afhayeen u hadlay Taliban, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaas mid “fulaynimo ah” iyo “arxan-darro”, isagoo ku eedeeyay in duqeymaha cirka ee ciidamada Pakistan ay beegsadeen goobo ay rayidku deggan yihiin, taasoo sababtay dhimashada 36 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka 163 kalena ay ku dhaawacmeen.

Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in weerarradan ay sababeen in la burburiyo hub iyo rasaas tiro badan, oo lagu kaydiyay xarumaha ay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan.

Bayaan lagu daabacay barta X oo uu habeenkii Axadda soo dhigay Atta Tarar, Wasiirka Federaalka ee Warfaafinta iyo Baahinta ee Pakistan, ayaa lagu sheegay in kadib dhacdooyinkii la xiriiray xagjirnimada ee Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, iyo weerarkii lagu qaaday xero ay lahaayeen Pakistan Rangers ee Karachi habeenkii Sabtida, la beegsaday xeryo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan Jamaat-ul-Ahrar iyo kooxda loo yaqaan Fitna-ul-Khawarij ee ku yaallay deegaannada xuduudda u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, iyadoo la fuliyay laba hawlgal oo kala duwan oo si sax ah loo qorsheeyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...