Yurub ayaa 1,300 oo ruux oo ugu geeriyootay kul xad-dhaaf ah oo ka jira.

Isniin 29,June 2026 {HMC} Dalal badan oo Qaaradda Yurub ah waxaa ka jira kul xad-dhaaf ah oo sababay dhimashada 1,300 sida ay ku warrantay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO.

Yurub ayaa wajahaysa Kul aad u darran, waxaana cabbirka lagu ogaado uu gaaray 41.7°C Digrii, tani waxa ay sababtay in Magaalooyinka qaar dadka isaga tagaan iyaga oo raadsanaya meelaha biyaha leh si ay qabow u raadinayaan.

Jarmalka waxaa ka dhacday mid kamid ah Sheekooyinka Dadka soo jiitay ee arrinta kulka la xiriira ka dhashay waana Gawaarida Dab damiska ah oo biyo kor u daadinaya si dadka looga dhigo sida dhibicda Roobka oo kale si ay qabow u helaan.

Meelaha ugu darran ee kulka xad-dhaafka ah uu ka jiro waxaa kamid ah Dalalka Jarmalka, Poland & Jamhuuriyadda Crezch, waxa ay waddamadaas dhacaan Bartamaha iyo Bariga Qaaradda Yurub.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Hay’addu ay xoogga saartay diiwaangelinta Dadka u dhinta Kulkaas laga soo billaabo 21kii June oo ah 8 cisho gudahood.

Dadkaas dhintay ayaa da’doodu badan tahay 65 sano waxaana daraasadda lagu qiimeeyay lagu sheegay in ay ku naf baxeen guryahooda taasi oo muujinaysa in kulka xad-dhaafka ah uu xitaa saameeyay qabowga aaladaha ku shaqeeya korontada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...