MW Soomaaliya & Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa magaalada Adis Ababa kula yeeshay.

Isniin 29,June 2026 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Adis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Qoraal lagu daabacay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan diiradda lagu saarey iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maalmihii la soo dhaafay safarro ku kala bixiyay dalalka Dariska sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...