{DAAWO SAWIRADA} Boliiska Soomaaliya oo Soo qabtay shaqsiyaadkii caadaystay faafinta waxyaabo dhaqan xuma ah.

Muqdisho, 28 June 2026 {HMC}  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda iyo Hoggaanka Dambi-baarista (CID), oo waday howlgal ballaaran, ayaa wajigiisii koowaad ku soo qabtay shaqsiyaadkii caadaystay dhaqannada xun iyo faafinta anshax-xumada.

Eedaysanayaashan laga soo dhex qabtay bulshada ayaa isugu jira kuwo ku eedeysan faafinta dhaqanno xun oo si toos ah uga hor imanaya dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed, Sidoo kale, waxaa la soo qabtay shaqsiyaadkii lahaa abaabulka iyo isu keenidda kuwa sameeya dhaqan xumada.

Ciidanka Boliiska ayaa sii wada howlgal xooggan oo lagu ciribtirayo dhaqannada lidka ku ah anshaxa iyo qiyamka bulshada, waxaana weli lagu daba jiraa shaqsiyaad kale oo ku lug leh falalka noocan ah, Eedaysanayaasha dhammaantood waxaa ku socda baaris, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Cid kasta oo lagu helo falal anshax-xumo ah ama dhaqanno lid ku ah anshaxa bulshada waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga. Sidoo kale, Boliisku wuxuu uga digayaa ganacsatada inaysan goobahooda u oggolaan in lagu abaabulo ama lagu faafiyo falal anshax-xumo ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...