Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Sabati June 27, 2026 {HMC}Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu bartilmaameedsanayo dadka lagu eedeeyo faafinta waxyaabaha ka hor imanaya anshaxa iyo dhaqanka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Caasimadda ay gacanta ku dhigeen Maxamed Jibriil Cabdi, oo lagu eedeeyay inuu bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaallo ay boolisku ku tilmaameen kuwo anshax-xumo ah oo ka hor imanaya dhaqanka suubban ee bulshada.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacantooda, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh dacwaddiisa si sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, Booliska Caasimadda ayaa digniin u diray dhallinyarada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka lagu tilmaamay anshax-xumada. Waxay xuseen in qof kasta oo lagu eedeeyo falal la mid ah kuwaas laga qaadi doono tallaabo sharci oo adag, lana horgeyn doono maxkamadda ku shaqada leh.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...