Talaado June 2026 {HMC} Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa ku warramay in madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian oo maanta gaaray Pakistan loo soo dhaweeyay sidii halyeey oo soo dhaweyntu ahayd mid si heer sare ah loo diyaariyay.
Markii uu galay hawada Islamabad waxaa galbinayay lix diyaaradood oo dagaal oo Pakistan leedahay.Waxaa lagu maamuusay salaanta sharafta ee 21 madfac oo la riday.
Ciidamo sita calamo kor loo qaaday ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay. Waxaa garoonka diyaaradaha Islamabad ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari oo ay weheliyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Pakistan.

