Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedka Gobolka Hiiraan

Sabti 20, June 2026 {HMC}Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha maleeshiyaadkooda ku dagaalamaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka hubaysan in shuruud la’aan ay kusoo afjaraan colaadda ka dhex jirta ee sababtay dhimashada, dhaawaca, khasaaraha hanti, barakaca iyo cabsida la xiriirta aanada.

Wasaaraddu waxa ay fariin furan u dirtay cid weliba oo gacan ka gaysan karta xal u helista dagaalladaas in ay kaalinteeda ka qaadato si looga hortago khasaare horleh oo ka dhasha xiisadda labada beel sida hadalka loo dhigay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Golaha Mustaqbalka oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada Federaalka ee guddigu soo saaray.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC}  Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga horyimid jadwalkii doorashada Federaalka ee dhawaan ay soo saareen...