Ruushka oo Fariin u diray Israa’iil.

Khamiis 18, June 2026 {HMC} Sergei Lavrov, isagoo taageeraya isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, ayaa ugu baaqay Israa’iil inay u hoggaansanto qodobada heshiiskaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Russia ayaa sheegay in Moscow ay soo dhoweynayso heshiis kasta oo gacan ka geysta dhimista xiisadaha gobolka, isla markaana ay u aragto tallaabo loo qaaday xasilloonida.

Sida uu sheegay, “Waa muhiim in dhammaan dhinacyadu si buuxda u hirgeliyaan heshiiskan, mana filan karno in dalal qaarkood ay u hoggaansamaan halka kuwo kalena laga dhaafo.”

Israa’iil ayaa saaka weerartay goobo ku yaalla koonfurta Lebanon. Iiraan waxay sheegtay in joojinta dagaalka Lubnaan ay ka mid tahay qodobada lagu xusay is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...