Khamiis 15 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka hadlay doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka lagu wajaho wada-hadal, is-afgarad iyo isu-tanaasul, loona ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada dalka.

