Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda Aayo-dhiska Galmudug, taasi oo u taagan hirgalinta dhisidda mustaqbal sugan iyo hirgelinta dowlanimo waarta.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta horgeeyay Kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 6-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug xubnaha Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda, kaasi oo ka kooban shan tiir oo siyaasadeed oo saldhig u noqonaya qorshaha iyo mudnaanta shaqo ee Xukuumadda.
Hoggaamiyaha ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay codkooda ku taageeraan Xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda siyaasadeed, si loo helo kalsoonida sharciyeed ee ay ku gudan lahayd waajibaadka dastuuriga ah, isla markaana loo ambaqaado hirgelinta qorshayaasha dowladeed iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambayn, 81 Xildhibaan oo soo xaadiray kulanka maanta ayaa dhammaantood u codeeyay ansixinta Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda, iyadoo goobta lagu dhaariyay Wasiirada cusub ee maanta helay codka kalsoonida Golaha.

