Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Iiraan ayaa isku diyaarinaysa hab militari inay u jebiso go’doominta uu Mareykanka saaray, oo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha Iiraan, sida uu maanta sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqir Qaalibaaf.
Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xoogga saaray dekedaha Iiraan inaysan wax maraakiib ah gaarin , kana soo bixin, sidoo kalena go’doomiyay shidaalka Iiraan inuu gaaro suuqyada caalamka, taasoo xaalad adag dhexda u gelisay Iiraan oo hadda ku hanjabaysa in hab militari ay waddooyinka ku furanayso si ay u jebiso go’doomintan.
Inkastoo habkaa militari aan la soo bandhigin sida uu u dhacayo iyo haddii Iiraan isku diyaarinayso maraakiibta dagaalka Mareykanka ee lagu go’doomiyay ay quusin doonto ama ay adeegsan karto habab ku qasba Mareykanka inuu go’doominta ka qaado.

