Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Wasaaradda Beeraha, La Kulmay Beeraleyda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isaga oo u kuurgalay hannaanka ay u socdaan shaqooyinka iyo adeegyada loo qabto bulshada.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Wakiillo ka socda beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ka dhageystay cabashooyinka ay qabeen iyo tallooyinkooda si loo dhiirageliyo wax soo-saarka dalagyada beeraha ee dalka, isla markaana loo fududeeyo culeysyada ay kala kulmaan suuq-gayntooda.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga, ilaalinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ganacsi oo suurtageliya in ganacsatadu si nabad ah oo hufan u gutaan waajibaadkooda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isu dheellitiro sugidda amniga dalka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Suudaan oo Diidday Hindisaha Itoobiya ee Wada-hadallada Nabadda.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC}  Dowladda Suudaan ayaa maanta diidday hindise uu shalay oo Talaado ahayd ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo...