Baladweyne oo lagu soo gabagabeeyay Tababar ku saabsan Xaqiijinta Xogta iyo La Dagaallanka Wararka Khaldan.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Baladweyne – Waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu soo gabagabeeyey tababar socday muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu baranayey aqoonta dijitaalka, xaqiijinta xogta iyo la dagaallanka wararka khaldan.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray afar mowduuc oo kala ah: Aqoonta Dijitaalka (Digital Literacy), Xaqiijinta Xogta (Fact Verification), La Dagaallanka Wararka Khaldan (Countering Misinformation) iyo Abuurista Waxyaabaha Dijitaalka ah ee Anshaxa leh (Ethical Content Creation).

Tababarkan waxaa ka qaybgalay 30 qof oo isugu jiray wariyeyaal iyo dad kale oo ku firfircoon gudbinta xogaha iyo wararka baraha bulshada.

Abdirisak Axmed Xuseen oo ka mid ah macallimiintii tababarka bixinaysay ayaa sheegay in tababarku ku soo aaday xilli muhiim ah, maadaama gobolka ay ka jiraan kacdoon bulsho, taas oo uu xusay inay muhiim ka dhigayso in si taxaddar leh loo hubiyo wararka iyo xogaha bulshada loo gudbinayo, ka hor inta aan la baahin.

Qaar ka mid ah wariyeyaashii ka qaybgalay tababarka ayaa soo dhaweeyey aqoonta ay ka kororsadeen, iyaga oo sheegay in tani ay ahayd markii ugu horreysay ee ay ka qaybqaataan tababar noocan ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu kobcinayo aqoonta dijitaalka ah iyo xirfadaha xaqiijinta xogta, si loo xoojiyo mas’uuliyadda dadka wararka iyo macluumaadka ku baahiya warbaahinta iyo baraha bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Sudan oo ku gacan seyrtay codsi uu u diray codsi uu u diray rai’sul wasaaraha Itoobiya.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa diidday baaq uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, u jeediyay dhinacyada...