Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland, Suldaan Mukhtaar Axmed Cabdulle, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Saraakiil ciidan, ayaa maanta gaaray deegaanada Cabdalle Biroole iyo Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne ku-xigeenka labaad iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya amniga deegaanadaasi.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, baahiyaha bulshada iyo habsami u socodka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo wafdigu sidoo kale qiimayn ku sameeyay xaaladda guud ee deegaanadaasi iyo shaqada ay hayaan hay’adaha kala duwan ee dowladda

