Trump oo dhalil u jeediyay Dowladda Itoobiya

Khamiis 18, June 2026 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (GERD) uu dhibaatooyin waaweyn ku hayo Masar.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, intii uu socday shir-madaxeedka G7 ee Faransiiska.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhinaca shir-madaxeedka G7, Trump iyo Madaxweyne al-Sisi ayaa dhaliilay biyo-xireenka Itoobiya, iyagoo sheegay in Masar ay dhibaato ka haysato arrintaas.

Trump wuxuu sheegay inuu kala hadli doono al-Sisi arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo qodobo kale, oo ay ku jirto biyo-xireenka Webiga Nile.

“Waxaan si wadajir ah uga shaqaynaynaa arrintan. Waxa kale oo aanu ka caawinaynaa isaga [al-Sisi] mashruuca biyo-xireenka ,” ayuu yiri.

“Waxaan ganacsi badan la leenahay Masar. Waxaan ka wada hadli doonaa ganacsiga iyo Webiga Nile,” ayuu raaciyay, isagoo sheegay in biyo-xireenka Itoobiya uu sababay hoos u dhac ku yimid biyaha Nile.

“Webiga Nile wuu sii yaraanayaa. Waxaan halkan u joognaa inaan ka wada hadalno arrintan. Biyo-xireenka laga dhisay Itoobiya wuxuu dhibaatooyin badan ku hayaa Masar. Arrintan waan ka warqabaa,” ayuu yiri.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...