10 qof oo ku dhintay duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay Qaza iyo Lubnaan.

Arbaco 18 May 2026 {HMC} Wasiirka caafimaadka Lubnaan ayaa sheegay duqaymihii u dambeeyay ee Israa’iil ee Koonfurta dalkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah. Tiro kale ayaa ku dhaawacantay.

Dhanka kale saraakiisha caafimaadka Qaza ayaa iyaguna sheegay 5 qof ay ku dhinteen weerarada Israa’iil. Saddex ayaa ku dhintay duqaymaha lala beegsaday Jiko-bulshada ay leeyihiin oo ku dhow cisbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha Qaza.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya Israa’iil ay kor u qaaday duqaymaha Qaza ee asbuucyadii u dambeeyay, tan iyo intii ay bilaabatay xabbad-joojinta Iiraan.

Milatariga Israa’iil faalo kama dhiiban howlgaladoodii u dambeeyay ee Lubnaan ama Qaza.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...